RA'IISUL WASAARE SHARMA'ARKE: "Xilalkii ay banneeyeen wasiirradii iscasilay sida ugu dhaqsiyaha badan ayaan ku soo buuxinaynaa"

Jimco, June 11, 2010 (HOL) - Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke oo soo saaray war-saxaafadeed ayaa sheegay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan ku buuxin doono boosaskii ay banneeyeen wasiirradii xilalkooda iska casilay. Howsha Dowladda uma istaagayso wasiirro xilalkooda iska casilay" ayuu Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ku sheegay wareegto shalay gallinkii dambe kasoo baxday xafiiskiisa Magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeedka ayuu Ra'iisul wasaaruhu ku sheegay in Wasiirrada xilalkooda iska casilay ay xaq u leeyihiin inay iscasilaan isagoo ku tilmaamay inay taasi tahay xuquuq aasaasi ah, wuxuuna intaas ku daray in taasi macnaheeda aysan ahayn in xukuumadda howsheeda ay istaagayso.

"Ummadda Soomaaliyeed waxaan u caddeynayaa inaan ka aqbalnay Wasiirradii xilalkooda iska casilay, jagooyinkaasna sida ugu dhaqsiyaha badan loosoo buuxin doono, loona magacaabi doono Muwaadiniin karti u leh inay howlahooda gutaan" ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya. Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid wuxuu amaan u soo jeediyay Golaha Baarlamaanka Soomaaliya sida ay howlahooda u wataan, isagoo ballanqaaday inay wadashaqeyn buuxda ay dhexmari doonto Xukuumadda iyo Baarlamaanka, lana adkeynayo xiriirkooda oo awalba aad u wanaagsnaa.

Dhawaan ayay Afar xubnood oo ka tirsan Golaha Wasiirrada waxay ku dhawaaqeen inay xilalkooda uga tageen howlgudasho la'aanta xukuumadda, waxaana iska fogeeyay inuu ka dambeeyo Iscasilaaddaas Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Maxamed Jiqe, Muqdisho, Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya oo safiir cusub u magacowday Shiinaha

Jimco, June 11, 2010 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa u magacowday Yuusuf Xasan Ibraahim (Dheeg) inuu noqdo Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha, waxaana magacaabiddaan ogolaaday Golaha Wasiirrada oo shalay oo Khamiis ahayd ku shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Golaha Wasiirrada Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay Danjirihii hore Mudane Maxamed Axmed Cawil ugu baaqeen inuu dib ugu soo laabto Magaalada Muqdsiho, iyadoo lagu sheegay wareegtada lagu magacaabay Danjiraha cusub in Safiirkii hore uusan matalin Dowladda Soomaaliya ayna howshiisa ku eg-tahay 10-ka June 2010.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay ku wargelisay dowladda Shiinaha in howlaha safaaradda uu sii wadayo ku xigeenka Danjirihii hore ee Safaaradda Soomaaliya Mr. Cawaale Cali Kullane inta uu Safiirka cusub howshiida la wareegayo.

Magacaabidda safiirkan cusub ayaa waxay dowladda Soomaaliya ku sheegtay inay tahay mid ay ku xoojinayso xiriirka saaxiibtinimo ee u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Dalka Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka ay wax ka bartaan dhallinyaro oo Soomaali ah, iyadoo sidoo kalena ay ganacstada Soomaalida ka keensadaan alaabaha kala duwan ee Ganacsiga.

Maxamed Xaaji Malab. Muqdisho, Soomaaliya

Qaar ka Mid ah Aqoonyahannada Puntland oo soo dhaweeyay Magacaabista Ergayga cusub ee Soomaaliya

Jimce , 11, Jun, 2010 (HOL)- Qaar ka mid ah aqoonyahanada soomaaliyed ee Puntland ayaa soo dhaweeyay ergayga cusub ee somaliya loo soo magacaabay ,Waxaana ay ku tilmaameen in uu yahay nin aqoon buuxda u leh arimaha Geeska Africa ,gaar ahaan Somaliya.

Maxamuud Caynab oo ka mid ah aqoonyanada puntland ahna godoomiyaha waxbarashada Gobolka Bari ayaa sheegay in shaqo badan ay hortaalo ergaygan cusub,Loogana baahanyahay dadaal dheeraad ah in uu siiyo xalinta dalka somaliya.

Waxaa uu sheegay in Augustine P. Mahiga looga baahanyahay in uu dhex dhexaad ka noqdo dhinacyada isku haya Siyaasada Somaliya,isla markaana uusan ku dayan Wallad Cabdala ergaygii hore ee arimaha Somaliya.

Aniga Ogaalkeey somaliya waxey u baahantahay in la tuso wadada ugu wanaagsan ee ay ku heshiin karaa "ayuu yiri Maxamud Caynab oo ah godoomiyaha Waxbarashada Gobolka bari ee Puntland.

Lama saadaalin karo isbadalka uu samayn karo Augustine P. Mahiga oo ah nin u dhashay wadanka Tanzania ,waxaana jirta in aragtiyo kala duwan ay ka muujiyeen aqoonyahanada soomaaliyeed soo magacaabida ergaygan Cusub.

Ugu danbaytnii Maxamud Caynab ayaa ugu baaqay in ergaygan cusub uu kaalin ku yeesho arimaha Maamulada ka jira Somaliya sida Puntland iyo Somaliland si loogu kalsoonaado waxqabadkiisa.

Faisel fure, Bosaaso,Somaliya

Maamulka guud ee Telefishinka Universal oo sheegay in uu ka towbad keenay qalad uu galay

Jimco, June 11, 2010 (HOL) - Maamulka Telefishinka Universal ee ku hadla Afka Soomaaliga ayaa sheegay inay ka towbad keeneen khaladkii ay galeen, iyagoo sheegay in khaladkaas ay buunbuuniyeen qaar ka mid ah saxaafadda calaamka oo nacayb u qaba horumarka uu ku tallaabsaday Telefishinka Universal.

Agaasimaha Telefishinka ahna Milkiilaha Inj. Axmadey Abuubakar ayaa sheegay inuu khaladkaas ku dhacay si aan ku talogal ahayn, ayna Alle weydiisanayaan cafis, sidoo kalena ay shacabka Soomaaliyeed iyo Ummadaha Islaamka weydiisanayaan cafis.

"Warka ku saabsan kartoonkii lagu aflagaadeeyay Nebi Muxammed (NNKH) wuxuu ku baxay si mas'uuliyad-darro ah, waxaana markii uu baxayay aan ku sugnaa Mareykanka, fariin ayaan xarunta Telefishinka u soo diray, taasoo ah in laga bixiyo raalli-gelin" ayuu yiri Inj. Axmedey.

Sidoo kale Agaasimuhu wuxuu sheegay in Ujeedada uu u aasaasay Telefishinka Universal ay ahayd sidii lagu difaaci lahaa diinta Islaamka iyo Muslimiinta, sidaa daraaadeedna aysan ka suurogalayn inay caayaan Nebi Muxammed (NNKH).

"Wariyihii soo tabiyay warkaas shaqada waan ka joojinnay, sidoo kalena waxaan shaqada ka joojinay Mas'uulkii howsha Tifaftirka lahaa habeenkaas si aan u saxno khaladkeenna" ayuu yiri Inj. Axmadey oo shir jaraa'id ku qabtay London.

Hadalka Mas'uulkan ayaa imaanaya iyadoo Bayaan ay Xarrakatul Shabaab oo inta badan Gobollada Koonfurta Soomaaliya gacanta ku haysa maalin ka hor soo saartay ay ku sheegtay inaan la daawan karin, waxna lagu xayeysiisan karin Telefishinka Universal.

Lama oga sida ay ka yeeli doonaan Mas'uuliyiinta Xarrakatul Shabaab go'aanka ay qaateen Maamulka Telefishinka Universal oo ah Telefishinka ugu weyn ee Afka Soomaaliga ku hadla, iyadoo Xafiiska Muqdisho ee TV-ga uu joojiyay howlihiisii.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Goballka Hiiraan oo u digay Qoysaska ku barakacay duleedka Beledweyne

Jimco,  11, Jun, 2010 (HOL)  Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku suga daafaha Magaalada Beledweyne ayaa Saraakiishoodu waxaa ay ka warbixiyeen dhaq dhaqaaqyo ay ka wadaan wadada u dhaxeysa Tuulada Ceel-gaal ilaa laga gaaro deegaannka Kala-beyr oo saacadihii aynu soo dhaafnay Ciidamadu howlgal ka wadeen.

Axmed Cabdalla  (Axmed Inji) oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Goballka Hiiraan dhawaana dagaallka kula galay Magaalada Beledweyne Xoogagga Ururka Xisbul Islaam ayaa sheegay in dhaq dhaqaaqooda yahay mid ku wajahan sida uu hadalka u dhigay in wadadaasi laga sifeeyo burcada dhibaatada ku heysa dadka Safarka madaama ayuu yiri waqtigan Mas'uuliyada wadada isku xirta Magaalada Beledweyne ilaa laga gaaro degmada Matabaan ay saaran tahay Ciidamada Dowladda Soomaaliya

''Magaalada Beledweyne in aynu dib ugu laabano waxba nooma jirto, laakiin waxa aynu diidanahay ayaa ah in mar kale lagu dul dagaallamo Qoysaska daadsan duleedka Beledweyne ee dhawaan ka soo barakacay fatahaadii ku dhuftay Beledweyne, waxaana uga digeynaa dadkaasi in mar kale dushooda lagu dagaallamo ayuu yiri Sarkaal u hadlay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Goballka Hiiraan.

Axmed Inji waxa kaloo uu sheegay in howlgalkii dhawaan ay ka sameeyeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya wadada dheer ee isku xirta Tuulada Ceel-gaal ilaa deegaannka Kala-beyr ku soo qab qabteen burcad ku jirta wadada, waxaana uu intaa ku darray in Ciidamadu sii wadi doonaan howlgalkooda ku wajahan burcada wax yeelada u geystay dadka Musaafurka ah.

Hadalka ka soo yeeray Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ee ku aadan in ay uga digayaan Qoysaska ku barakacay duleedka Beledweyne dagaal mar kale dushooda ka dhacay ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili Qoysaskaasi wal wal  iyo cabsi badan ka qabaan in mar kale kooxaha iska soo horjeeda ku dagaalamaan deegaannada ay u barakaceen, waxaana xiliga habeenkii la arkayaan qaar ka mid ah Qoysaska oo dib ugu soo labanaya Magaalada marka uu waagu baryana ku noqonaya halka ay ku
barakaceen.

C/raxmaan Diini

Dagaal geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhacay magaalada Burco

Khamiis, 10 June 2010 (HOL)- Inta la ogyahay hal Askari ayaa geeriyooday, 3 qof oo Saraakiil Ciidamada Booliska ka mid ahna waxa soo gaadhay Dhaawac ka dib markii maanta magaalada Burco dagaal ku dhex maray Koox la tuhunsan yahay inay wadeen falal Argagixiso ah iyo Ciidamada Booliska.

Siday sheegayaan Wararka ka imanaya magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, dagaalkann ayaa qarxay ka dib markii Ciidamada Boolisku ay hawl-gal ka fuliyeen Guri ku yaala dhinaca bari ee magaalada Burco. Warku wuxuu intaa ku daray in dadka dhaawacmay ay ka mid yihiin Taliyihii Ciidamada Booliska ee qaybta bariga Burco waa Yuusuf Shire iyo Taliyihii saldhigga dhexe ee magaaladaas.

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay khasaaraha dhinaca Kooxaha hubaysan ee falalka Argagixiso la filayay inay maleegayaan, hase ahaatee Hiiraan Online kala soco wixii warar ka soo kordha shaqaaqada maanta ka dhacday Magaalada Burco.
 
Barkhad Waalow. Hargeisa, Somalia